Wasaaradaha beeraha iyo Waraabka DG iyo DFS Oo kulan ku yeeshay Baydhabo(DAAWO)

Wasiirka Wasaaradda beeraha iyo Waraaba KGS Mudane Mustaf Idow ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay shir ay isugu yimaadeen dhamaan Agaasimahayaasha guud ee wasaaradaha Beeraha Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federal ka Soomaaliya.

Shirkan oo fududaysay Hay’adda FAO Soomaaliya ayaa looga hadlaayay siyaasada guud ee wax soo saarka beeraha iyo guud ahaan sugnaanta cuntada soomaaliya.