Wasaaradda Arimaha Gudaha KG oo Tababar Furtey SAWIRO

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowlaha Hoose Iyo Dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Mudane Mahaad Mohamed Ciise ayaa maanta daah-furay tababar Aqoon iswadaarsi oo ku saabsan Federaaleynta kaasi oo socon doono muddo labo maalin ah,

Furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha wasaaradda arimaha gudaha Mudane Mustaf sheikh Abdulahi adaf shaqaalaha wasaaradaha koonfur galbeed xubno ka socday wasaaradda Arimaha gudaha dowlada soomaaliya ururadda bulshada ra’yidka ardeyda Jaamacadaha,ururka Haweenka heer Gobol iyo Degmo,ururka Naafadda,aqoonyahanadda Iyo shaqaalaha Wasaaradda arimaha Gudaha,