Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdixakiim Ashkir, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Kuxigeenka Hey’adda Socdaalka Adduunka (IOM), iyagoo ay wehliyeen Agaasimaha IOM ee Bariga iyo Geeska Afrika, Wakiilka IOM ee Soomaaliya, Kuxigeenkiisa, iyo saraakiil sare oo kale.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada hortabinta leh ee la xiriira:
-
Dedaallada Xasillinta deegaannada ay saameeyeen colaadaha iyo abaaraha
-
Barnaamijyada dad-dhigista (registration of displaced persons)
-
Helidda xal waara oo loo helo Barakacayaasha gudaha ku sugan (IDPs)
-
Harmonization-ka iyo isku-dubaridka qorshayaasha dowladeed iyo kuwa hay’adaha caalamiga ah
Mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Xukuumaddu uga go’antahay in xal waara laga gaaro arrimaha Barakacayaasha, iyadoo lagu saleynayo isku-xirnaan hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.
Dhankiisa, wafdiga IOM ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda ee dhinaca dib-u-heshiisiinta iyo xasillinta, iyagoo sheegay inay sii xoojin doonaan taageeradooda si loo gaaro xalal waara oo waxtar leh.
Kulankan ayaa noqonaya mid horudhac u ah qorshayaal ballaaran oo la doonayo in lagu xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IOM, si wax looga qabto caqabadaha ay la tacaalayaan dadka barakacayaasha ah, islamarkaana loo dhiso bulsho deggan, mideysan, oo horumar u jihaysan.















