Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha oo hakisey Ciyaaraha dalka

Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in la hakiyey dhamaan Ciyaaraha noocyadooda kala duwan ee dalka sababo la xiriira Cudurka dalka kusoo kordhay ee Coronavirus.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa la farey Dhamaan Wasaaradda Ciyaaraha Dowlad goboleedyada,xiriirada kala duwan ee Ciyaaraha dalka iyo Gobolka Banaadir in la joojiyey Ciyaaraha dalka.

Tallabadaan ayaa Wasiir Khadiijo ku sheegtay in la fulinayo,iyada oo la raacayo Amar kasoo baxey Madaxda dalka oo ah in taxadar dheeri ah laga muujiyo Cuudrka Coronavirus.

.