Wasaaradda Gaadiidka oo Ku Amartay shacabka Isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in dhammaan adeegyada ay bixiso laga rabo isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Go’aankan ayaa daba socda shirkii Golaha Wasiirrada ee dhacay 7-dii Abriil 2025, kaasoo lagu ansixiyay nidaamka isku xirka adeegyada dowladda iyo xaqiijinta aqoonsiga muwaadiniinta.

Qodobada cusub ee ay soo saartay wasaaraddu waxay waajib ka dhigayaan in qof walba oo doonaya adeegyo sida ruqsad darawalnimo, diiwaangelinta gaadiid, ama isbeddel lahaansho uu keeno Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA. Waxay sidoo kale arrintani saameyneysaa dhammaan shirkadaha gaadiidka dadweynaha iyo shaqsiyaadka adeegyada la xiriira gaadiidka raadsanaya.

Wasaaradda ayaa ku sheegtay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaalka dowladda ee lagu horumarinayo adeegyada dadweynaha, lana yareynayo khiyaanooyinka iyo adeeg bixinta aan nidaamsaneyn. Tallaabadan waxay dhiirogelinaysaa dowladnimo casri ah oo ku dhisan xog ururin sax ah iyo is dhexgal tignoolajiyeed oo hufan.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka ayaa lagu caddeeyay in fulinta amarkan ay tahay mid degdeg ah, islamarkaana la bilaabay tallaabooyin wacyigelin ah oo shacabka lagu barayo muhiimadda ay leedahay helista Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Waxaa sidoo kale la sheegay in hay’adaha kale ee dowladda laga doonayo in ay la jaanqaadaan nidaamkan.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay si degdeg ah u helaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka si aysan u waayin adeegyada muhiimka ah ee dowladda. Tani waxay qeyb ka tahay isbeddel ballaaran oo lagu dardar gelinayo adeegyada elektaroonigga ah ee dowladda.