Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir muhiim ah oo u dhexeeya Wasaaradda Hawlaha Guud DFS, Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada Dalka & Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank)
Shirkan ayaa looga doodayaa waxyaabaha ka qabsoomay mashruuca dib u dhiska waddooyinka isku xira gobolada dalka (Road Infrastructure Program RIP) oo lagu dhisayo ilaa afar Waddo oo isku xira gobolada Dalka.
Xubnaha Kaqayb galayaasha shirka ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Bangiga Horumarinta Afrika & Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada ayaa kadooday caqabadaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa.
Agaasime Yussuf Wadani ayaa uga qeyb galey Wasaaradda Howlaha guud Koonfur galbeed.
Shirkan ayaa socondoona muddo Afar maalmooda ah gabagabadiisana waxaa laga soosaari doonaa war murtiyeed.

















