Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Cabdi Aadam Hoosow ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray shir wadatashi ah oo lagu qiimaynayo Wadashaqaynta Wasaaradda Hawlaha Guud, Haayadda UNOPS & Bangiga Horumarinta Afrika.
Waxaa kasooqayb galay shirka Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud, Madax kasocota Bangiga Horumarinta Afrika & Haayadda UNOPS, inta uu shirku socdo waxaa looga wada hadli doonaa waxyaabahii qabsoomay, kuwa aan qabsoomin, sababihii ay u qabsoomi waayeen ee qorshayaashii degsanaa sanadkii dhammaaday 2019ka & Ambaqaadista qorshayaasha 2020.
Shirka ayaa socondoona muddo saddex maalmood ah waxaana gabagabada shirka laga soosaari doonaa War-murtiyeed.


















