Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, oo noqon doonta mid casri ah isla markaana dabooli karta baahida shaqo iyo adeeg ee wasaaradda. Dhismahan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo kaabayaasha dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhanka kalluumaysiga iyo kheyraadka badda oo Soomaaliya ay hodan ku tahay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimadda ay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah u leedahay himilada mustaqbalka ee Soomaaliya. Wuxuu xusay in dalka uu leeyahay xeeb dheer oo ka mid ah kuwa ugu dhaadheer Afrika, taas oo si buuxda u qalabeysan si ay u noqoto il dhaqaale oo weyn. Wuxuu carabka ku adkeeyay in wasaaradda ay ka mid tahay tiirarka ugu waaweyn ee qorshaha horumarinta dhaqaalaha qaranka, maadaama ay si toos ah ula xiriirto kalluumaysiga, ganacsiga badda, dalxiiska badda iyo adeegyada kale ee ay baddu bixiso.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in kobaca dhaqaale ee Soomaaliya uu si weyn ugu xirnaan doono badda. Waxa uu tilmaamay in Dhaqaalaha Buluugga ah – oo ah isticmaalka waara ee kheyraadka badda iyo webiyada – uu noqon karo tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo Soomaaliya barwaaqo ah, haddii si hufan loo maareeyo. Wuxuu hoosta ka xariiqay in dhismaha cusub ee wasaaraddu uu kaalin muuqata ka qaadan doono xaqiijinta yoolkaasi, maadaama uu wasaaradda siin doono awood ay ku hormariso adeegyada ay bixiso.
Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay deggaan degaannada xeebaha, si ay uga faa’iideystaan kheyraadka badda iyo fursadaha shaqo ee ka iman kara dhaqaalaha buluugga ah. Wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay qorshaynayso in ay dhisto waddooyin waaweyn oo xiriiriya xeebaha iyo gudaha dalka, taasoo sahlaysa gaadiidka, suuq-geynta kalluunka, iyo fududeynta maalgashiga deegaanka.
Dhammaan hadallada iyo tallaabooyinka uu qaaday Ra’iisul Wasaaruhu ayaa muujinaya in dowladda Federaalka ay si dhab ah u qaadatay istaraatijiyad lagu wajahayo horumarka dhaqaale ee dalka iyada oo lagu saleynayo kheyraadka dabiiciga ah ee aan wali si buuxda loo faa’iideysan. Waxaa la filayaa in Xarunta cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga ay noqoto xarun hoggaan u noqota horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah iyo sare u qaadidda doorka ay baddu ku leedahay horumarka Soomaaliya.














