Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo Daahfurtay Shirka muhiim u ah Horumarinta Dhaqaalaha Geeska Afrika iyo Ganacsiga

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Biixi Imaan Cige, oo ah Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, ayaa maanta Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay kulan labo cisho soconaya oo lagu gorfeeynayo horumarinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka ganacsiga ee dalalka Geeska Afrika.

Kulankan ayaa waxaa si toos ah uga soo qeyb galay wufuud ka kala socota waddamada Djibouti, Kenya, iyo Koonfurta Suudaan, oo ay Muqdisho soo gaareen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradahooda Ganacsiga. Sidoo kale, Dowladaha Ethiopia, Eritrea, iyo Suudaan ayaa iyagu habka fogaan aragga (virtual) uga qeyb galay shirka.

Wasiirka Maaliyadda XFS waxaa kulanka ku wehliyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, iyo labada Agaasime Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga, kuwaasoo si wadajir ah uga jeediyay furitaanka kulanka hadallo dhiirrigelin, mahadcelin iyo bogaadin isugu jira oo lagu soo dhoweeyay xubnaha madasha ee ka yimid dalalka walaalaha ah.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in kulankani uu yahay mid farsamo oo laf-dhabar u noqon doona dadaallada lagu xoojinayo is-dhexgalka dhaqaale ee dalalka gobolka Geeska Afrika. Wuxuu xusay in Hindisaha Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) uu door weyn ku leeyahay kor u qaadidda ganacsiga, maalgelinta, iyo isku-xirka dhaqaale ee gobollada, iyadoo la og yahay in Geeska Afrika uu ka mid yahay gobollada dunida ugu hooseeya marka la eego heerka ganacsiga gudaha gobolka, oo qiyaastii 6% keliya uu yahay ganacsiga u dhexeeya waddamada xubnaha ka ah barnaamijka.

“Xilligan ay dunida la tacaalayso caqabado dhaqaale oo waaweyn, ganacsiga iyo maalgelinta waa tiirarka dhaqaalaha qaran iyo midka goboleed. Waa lagama maarmaan in la abuuro fursado shaqo iyo horumarineed oo waxtar u leh shacabka dalalka Geeska Afrika,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Imaan Cige.

Kulankan ayaa ah kii ugu horreeyay ee ay yeeshaan dalalka madasha tan iyo markii Soomaaliya ay guddoonka qabatay. Waxa uu muujinayaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Soomaaliya inay si firfircoon uga qeyb qaadato hanaanka horumarinta dhaqaalaha gobolka, isla markaana ay yareyso ku tiirsanaanta taageerada caalamiga ah iyada oo la adkeynayo iskaashiga gobolka iyo maalgelinta gudaha.