Waziirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Hormarinta Dhaqaalaha KGS Mudane Ahmed Madoobe Nunow iyo agaasimaha guud Mudane Isaaq Mohamed Mursal ayaa shir kaga qeyb-galay maanta aaalada Zoomka ah. Shirkaasi oo looga arinsanaayey mashruuca ILED uu maal geliyo Midowga Yurub.
Shirkaas ayaa ah mid ay iskugu imaadeen guddiga heer qaran ee mashruuca ILED oo ka kooban wasiiradda qorsheynta Dowlad Goboleedyada & Federaalka iyo madax iyo howl wadeeno ka socdey Midowga Yurub waxaa la isla gartay in mashruucan lagu saleeyo xog aruurintii lagu sameeyay deegaanada dalka iyadoo loo fiirinaaya mudnaanta baahiyeed ee katimid latashigii qaybaha kala duwan ee bulshada.
Mashruucaan oo ku baxaya 110 milyan oo lacagta yuro ga ah ayaa looga faaideysan doonaa mashruucyo fara badan oo horumarineed.

























