Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Abdulhakim Faqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday hay’adda GIZ, waxaana hoggaamineysay Clara Schier.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee hay’addu ka wado Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay kamid yihiin SHIR Project, CFSP, iyo EPIS, kuwaas oo guulo la taaban karo laga gaaray.
Wasiir Faqi ayaa uga mahadceliyey hay’adda GIZ taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed, isagoo ku tilmaamay mid aan xad lahayn.














