Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dhismayaal casri ah oo cusub oo loo dhisay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Cadaaladda ee dowlad goboleedka. Dhismayaashan oo laga hirgeliyay magaalada Baydhabo, ayaa qayb ka ah dadaallada Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso hay’adaha dowliga ah iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.
Munaasabadda xarig-jarka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Cadaaladda Federaalka, Mudane Xasan Macallin, iyo wasiirrada amniga iyo cadaaladda ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday Hay’adda IOM, saraakiil ciidan, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhismayaashan cusub ay muhiimad weyn u leeyihiin adeeg bixinta iyo horumarinta nidaamka dowladnimo, isagoo xusay in loo baahan yahay in shaqaalaha wasaaraduhu ka faa’iideystaan kaabeyaashan si loo dardargeliyo shaqooyinka lagama maarmaanka u ah bulshada.
Wasiirradii ka qaybgalay xafladda ayaa hoosta ka xarriiqay doorka ay dhismayaashani ka qaadan doonaan sare u qaadista adeegyada amniga iyo cadaaladda, iyagoo uga mahadceliyay hay’adaha taageeray hirgelinta mashruucan. Dhismayaasha cusub ayaa lagu qalabeeyay agab casri ah, waxaana lagu dhisay qaab waafaqsan qorshaha horumarineed ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.














