Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in heerka amni ee magaalooyinka Soomaaliyeed uu si toos ah ugu xiran yahay sida shacabka magaalo kasta u qaateen mas’uuliyadda ilaalinta amniga iyo sida ay ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

Isagoo ka hadlayay kulan looga hadlayay arrimaha doorashooyinka, Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in amniga aysan sugayn oo keliya ciidamada dowladda, balse ay tahay mas’uuliyad guud oo u baahan in bulshada iyo dowladda ay iska kaashadaan.

Wasiir Al-Cadaala wuxuu tusaale u soo qaatay magaalooyin ay shacabka si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, taasoo keentay in falalka amni darrada ah ay hoos u dhacaan. Wuxuu shacabka xasuusiyay in haddii la muujiya midnimo, feejignaan iyo wada-shaqeyn, ay suuragal tahay in magaalo kasta oo Soomaaliyeed noqoto mid nabdoon.