Algiers – Waxaa magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria lagu soo gabagabeeyay shirka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka, kaas oo sanad walba la qabto xilligan oo kale. Sanadkan, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirka uga qeyb galay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, iyadoo ay wehliyaan Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Algeria.
Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa khudbad kooban ka jeediyay kulanka, isagoo diiradda saaray horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada xooggan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bixisay dib-u-dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Wasiirka ayaa shirka hortiisa ka caddeeyay in dowladda Soomaaliya, kadib deyn cafintii ay heshay, ay qaaday tallaabooyin guul leh oo dhanka maaliyadda ah, taas oo ka dhigtay waddan tusaale u noqon kara dalalka kale ee isla markaana baran kara habka loo maaraynayo hannaanka dib-u-habaynta maaliyadeed.
Mudane Biixi Imaan Cige ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay maanta taagan tahay meel adduunku ku ammaano dadaalka ay ku bixisay kobcinta dhaqaalaha, isla markaana guushaas taariikhiga ah ay horseed u noqotay in caalamku u aqoonsado Soomaaliya waddan ka soo kabanaya caqabadihii dhaqaale ee soo maray.
Shirka Bangiga Horumarinta Islaamka ayaa waxaa isugu yimid Wasiiro, Safiiro, iyo madax sare oo matalayay dalal kala duwan, iyadoo la isku weydaarsaday aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan kobcinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, iyo taageerada dalalka soo koraya.














