Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda Amniga ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka socday Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, qorshayaasha amniga, iyo dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah. Wafdiga Midowga Afrika ayaa warbixin dhameystiran ka dhageystay Wasiirka Amniga oo sharaxaad ka bixiyay howlgalada socda, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo caqabadaha weli taagan ee u baahan in si wadajir ah loo wajaho.
Intii uu kulanka socday, Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa si weyn ugu bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku xoreyneyso deegaannada ku jiray gacanta Khawaarijta, isagoo ku ammaanay guulihii la gaaray ee lagu xaqiijiyay amniga iyo xasillinta meelihii ugu dambeeyay ee laga saaray argagixisada. Wuxuu xusay in Midowga Afrika ay si buuxda u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonaan taageeradooda dhinacyada amniga iyo siyaasadda.
Dhankiisa, Wasiir Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa uga mahadceliyay wafdiga Midowga Afrika taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee lagu wajahayo amniga, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka mustaqbalka dalka.
Kulanka ayaa lagu soo gebogabeeyay is afgarad ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta qorshayaasha amniga ee dowladda iyo Midowga Afrika, si loo xaqiijiyo guulo waara oo ka dhan ah argagixisada.














