Wasiir Fiqi iyo General Odewaa oo kulan xasaasi ah yeeshey.

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa guddoomiyey kulanka billaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasillinta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Federaalka. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday hay’adaha dowladda.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasillinta, ahna Agaasimaha Xiriirka iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye, ayaa kulanka ka jeediyey warbixin dheer oo uu ku sharxay ujeedada loo dhisay guddigan, ahmiyadda uu leeyahay xilligan lagu jiro dib u xorreynta dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, sidii loo mideyn lahaa ajandayaasha hey’adaha dowladda, fariimaha dowladda iyo wacyigelinta bulshada, iyo habka saxda ah ee fariimaha loo gudbinayo.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa bogaadiyey howsha guddiga isagoo warbixin ka bixiyey howl-gallada ay wadaan geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in ciidamada ay si dhab ah ugu raad joogaan haraadiga cadowga, isla markaana uu guddigan door weyn ku leeyahay taageeridda gulufka socda iyo bandhigga guulaha ciidamada lagu gaarayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay kaalinta weyn ee warbaahinta ay ku leedahay abaabulka bulshada, ka hortagga dacaayadaha argagixisada, soo gudbinta guulaha ciidamada xoogga dalka, jiheynta ummadda Soomaaliyeed, iyo soo bandhigidda waxqabadka dowladda, gaar ahaan dadaallada lagu xasillinayo dalka iyo soo kabashada shacabka. Wasiirku wuxuu adkeeyey in la labo-jibbaaro dadaallada jira, loona diyaargaroobo wejiga ugu dambeeya ee lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab.