Wasiir Jamaal oo shaaciyay waxa ay isku hayaan Madaxweyne Deni

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay waxa keenay in mar labaad Maamulka Puntland uu ishor-istaag ku sameeyo ilaaladiisa ina ay galaan Magaalada Garoowe.

Wasiirka waxaa uu sheegay in xilligaan waxa ay isku hayaan Madaxweynaha Puntland ay tahay mashaariic ay dalka keeneen dowladaha Turkiga iyo Qatar, kuwaas oo intooda badan laga fuliyay Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle oo uu sheegay in aysan laheyn dekado iyo Garoomo Caalami ah sida Maamulada kale.

Madaxweynaha Puntland ayuu sheegay inay isku hayaan mashaariicda ay ka cabanayaan oo uu sheegay in uu horay u saxiixay Madaxweynaha Puntland xilligii uu ahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo kamid ah Wasiirada kasoo jeeda Puntland ee taageera Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxames Cabdullaahi Farmaajo.