Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha oo Kormeeray Dhismaha Cusub ee Xarunta Wasaaradda ee Boondheere.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdikhaakim Ashkir, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda, oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Kormeerkan waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Caydaruus Macallin Xasan, iyadoo si dhow loo eegayay dib-u-dhiska ballaaran ee xaruntaas ka socda.

Intii ay goobta joogeen, mas’uuliyiintu waxay si qoto dheer u indha-indheeyeen heerkka uu marayo dhismaha, iyaga oo la kulmay Injineerrada iyo howlwadeennada farsamada ee gacanta ku haya shaqada, kuwaasoo bixiyay warbixin dhammeystiran oo la xiriirta waxyaabaha ilaa hadda la qabtay, tayadooda, iyo inta ka harsan mashruuca.

Wasiir Ku-xigeenka, oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay, ayaa ku muujiyay qanacsanaan ku aaddan horumarka laga sameeyay dhismaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo howlaha, si xarunta loogu soo gabagabeeyo waqti dhow, loona bilaabo adeegyada ay ummadda Soomaaliyeed ka filayso.

“Waa lagama maarmaan in xaruntu si dhakhso ah u shaqeyso, waayo waxay muhiim u tahay fulinta howlaha dowladnimo ee xagga Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta. Waxaan ku bogaadinayaa dhammaan shaqaalaha iyo Injineerrada sida ay u wadaan hawsha, waxaana rajeyneynaa in mashruucu ku dhammaado waqtigiisa, si tayeysan,” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeen Ashkir.

Mashruuca dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo kaabeyaasha hay’adaha dowladda, si loo helo xarumo casri ah oo si hufan ugu adeega shacabka, una fududeeya shaqooyinka dowliga ah ee salka ku haya Federaalka, Maamul-wanaagga iyo Dib-u-heshiisiinta dalka.