Wasiir Qarjab “dadka ka dhiidhiyay hadalkii Madaxweyne Gaas waa Al-Shabaab”

Wasiirka Warfaafinta Puntland Qarjab ayaa fasiraad dheeraad ah ka bixiyay hadalkii Madaxweyne Gaas uu ka sheegay Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ee gobolka Sool, kaasoo ay si weyn uga Caroodeen Bulshadda kasoo jeedda.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uusan ka hadlin Bulshadda kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed,laakiin uu ka hadlay xubnaha Shabaab ka tirsan halka ay rabaan ha kasoo jeeddaan.

Waxaa uu xusay in ay tahay wax laga xumaado in dad sheeganaya in ay kaasoo jeeddaan Koonfur Galbeed ay difaacaan Shabaab.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka mid ah Xildhibaanada DFS ayaa ka hadley hadalka ka soo yeerey Cabdi Wali Gaas waxaana uu sheegey in wax laga xumaado ay tahay hadalka gefka ah ee ka soo yeerey Gaas isla markaana uu yahay hadal aan ku hadli karin nin mas’uul ah isla markana ugu baaqey in uu Raalli gelin uu ka bixiyo.

Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn la isula dhexmarayay dood kulul oo ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Cali Gaas.

Waxa uu Cabdiweli Cali Gaas yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.