Dr. Cali Xaaji Aadam Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay dhigiisa dalka Turkiga Dr. Kemal Memişoğlu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya wasaaradaha caafimaadka Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta kaabeyaasha caafimaadka iyo dhisidda awoodda shaqaalaha caafimaadka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya in ay sii dardargeliso iskaashiga caafimaad si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo shacabka Soomaaliyeed caafimaadkooda waxtara.














