Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Masar, Sarreeye Gaas Cabdilmajiid Saqar.
Intii uu socday wadahadalku, labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca, iyaga oo si gaar ah u falanqeeyay kaalinta ciidamada dalka Masar ee qeybta ka ah hawlgalka ciidamada AUSSOM. Wasiirrada ayaa isla eegay hindisayaal wadajir ah oo lagu taageerayo kor u qaadidda tayada ciidamada Soomaaliya.
Sidoo kale, labada wasiir waxa ay hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar. Waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada danaha wadaagga ah.
Ugu dambeyn, labada dhinac waxa ay isku raaceen in wada-shaqeynta joogtada ah ay fure u tahay guulaha laga gaarayo amniga iyo horumarinta ciidamada, taas oo dan u ah labada shacab iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.














