Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), Danjire James Swan, oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Intii uu kulanku socday, Danjire Swan ayaa ugu horrayn Wasiirka ugu hambalyeeyay xilka cusub ee dhowaan loo magacaabay, isagoo muujiyay taageerrada iyo kalsoonida Qaramada Midoobay ee ku aaddan wada-shaqeynta labada dhinac. Waxa uu Wasiirka la wadaagay qorshayaasha muhiimka ah ee xilliga Kala-guurka, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta dowlad wanaagga, qabsoomidda doorashooyin hufan, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo kobcinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Danjire Swan taageerrada joogtada ah ee Qaramada Midoobay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimada wada-shaqeynta dhow ee labada dhinac u leedahay horumarinta amniga, xasilloonida siyaasadeed, iyo geeddi-socodka nabadda ee dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay sida ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara iyo horudhac siyaasadeed oo miro dhal ah.
Labada mas’uul ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in la sii amba-qaado dadaallada socda, isla markaana la dardargeliyo howlaha taageerada kala duwan ee Qaramada Midoobay ay u fidiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran iyo kuwa caalami ah ee wadajirka looga shaqeynayo. Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaya xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballan-qaadka wada-shaqeyn ee labada dhinac.














