Waxaa kulanka sidoo kale lagu faaqiday taageeridda qorshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan Qurba-joogta Soomaaliyeed si loo abaabulo kulamo, madal-doodeedyo iyo seminaarro lagu xoojinayo baraarugga iyo dareenka caafimaadsan ee qurba-joogta iyo muwaadiniinta dal-joogga ah si xad loogu yeelo tahriibka iyo halisaha ka imaan-kara isku miidaamintiisa, sidoo kale waxaa la isla eeggay barnaamijyada kobcinta awoodda ee lagu tayaynayo howlwadeennada.















