Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Moscow kula kulmaya Madaxweyne Putin si looga wada hadlo hanjabaadaha iyo xiisadda gobolka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Arakchi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa shaaciyay in uu la yeelan doono wadahadallo muhiim ah Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin. Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa caqabadaha joogtada ah iyo hanjabaadaha ka jira gobolka, gaar ahaan weerarrada dhowaan Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran.

Ruushka ayaa si kulul u dhaleeceeyay weerarka Mareykanka, waxaana safiirka Moscow ee Qaramada Midoobay uu ku tilmaamay tallaabadaas “mid furaysa sanduuqa Pandora,” taasoo muujineysa khataraha laga yaabo inay ka dhashaan xiisadda sii korortay ee u dhaxaysa Tehran iyo Washington.

Inkastoo kulanka dhex mari doona Wasiir Arakchi iyo Madaxweyne Putin lagu wado inuu dhaco galinka dambe ee maanta, haddana warar hoose oo laga helay Kremlin-ka ayaa sheegaya in inkastoo Putin uu muujin doono taageero diblomaasiyadeed, ay u badan tahay in Ruushku uusan bixin doonin taageero milatari oo toos ah. Waxaa taas sabab u ah in ay mudnaanta koowaad ee Kremlin-ka hadda tahay dagaalka ay kula jiraan Ukraine.

Iran iyo Ruushka ayaa leh heshiis iskaashi istiraatijiyadeed, laakiin ma jiro heshiis difaac ah oo Moscow ku waajibinaya inay difaacdo Tehran, haddii weerarro lagu qaado. Madaxweyne Putin ayaa todobaadkii hore sheegay in Iran aysan weli si rasmi ah uga codsan kaalmo milatari, taasoo muujinaysa in uu doonayo inuu ka fogaado inuu si toos ah ugu lug yeesho xiisadda u dhexeysa Iran iyo Mareykanka.

Kremlin-ka ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inuu doonayo inuu xiriir dhexdhexaad ah la yeesho labada dhinac — Iran iyo Israa’iil — si uu u ilaaliyo doorkiisa diblomaasiyadeed ee gobolka, iyo sidoo kale xiriirka uu la leeyahay Mareykanka, gaar ahaan Madaxweyne Donald Trump.