Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Laanqeyta Cas (ICRC) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Antoine Grand, oo booqasho rasmi ah ugu yimid si ay uga wadahadlaan arrimaha iskaashi wadaagga.
Intii kulanka lagu guda-jiray, Mudane Antoine Grand waxa uu Wasiirka ugu hambalyeeyay xilka dhowaan loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar. Waxa uu sidoo kale Wasiirka siiyay warbixin guud oo ku saabsan howlaha ICRC ee Soomaaliya iyo baaxadda howl-qabadka hay’adda guud ahaan dalka.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta wadashaqaynta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo ICRC, iyadoo la ballaarinayo barnaamijyada bani’aadantinimo si loo xaqiijiyo in taageerrada la gaarsiiyo dhammaan gobollada dalka si siman oo hufan.
Labada dhinac ayaa ugu dambeyn isku-afgartay muhiimadda ay leedahay kordhinta howlaha wadajirka ah iyo isku-dubbaridka, si wax looga qabto baahiyaha sii kordhaya ee bulshooyinka Soomaaliyeed oo idil.
Share this:
- Click to share on X (Opens in new window) X
- Click to share on LinkedIn (Opens in new window) LinkedIn
- Click to share on WhatsApp (Opens in new window) WhatsApp
- More
- Click to share on Pocket (Opens in new window) Pocket
- Click to share on Pinterest (Opens in new window) Pinterest
- Click to print (Opens in new window) Print
- Click to share on Reddit (Opens in new window) Reddit
- Click to share on Telegram (Opens in new window) Telegram
- Click to share on Tumblr (Opens in new window) Tumblr














