Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo qoto-dheereynta iskaashiga dhinacyada horumarinta, waxbarashada, iyo amniga.
Labada mas’uul ayaa ku adkeeyay muhiimada kor u qaadidda dadaallada wadajirka ah, iyadoo la sii xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay Talyaaniga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, halka Safiir Pier Mario uu dhankiisa ku celiyay sida Talyaanigu u daneynayo inuu sii wado mashaariicda horumarineed iyo iskaashiga amniga si loo taageero xasilloonida iyo koritaanka dalka.














