Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Salaan Sharafeed Ugu Tagay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi Magaalada Doha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xalay booqasho sharaf iyo salaan diimeed ugu tagay mid ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed, Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi, oo ku sugan magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar.

Booqashadan ayaa ahayd mid si gaar ah u xambaarsan qadarin iyo ixtiraam loo muujinayo kaalinta weyn ee Sheekh Cabdirashiid ku leeyahay fidinta diinta Islaamka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahadceliyay Sheekha soo dhoweyn diirran oo ay ku dheehan tahay walaaltinimo iyo xushmad, taas oo ka tarjumeysa midnimada u dhaxeysa dowladda iyo culimada dalka.

Intii uu kulanka socday, Wasiirka ayaa si gaar ah uga mahadceliyey ducadii kheyrka ahayd ee Sheekhu u jeediyey ummadda Soomaaliyeed iyo dalkeenna, isagoo Alle ka baryey in laga aqbalo, lagana dhigo mid horseeda kheyr, barwaaqo iyo midnimo Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali waxa uu Sheekh Cabdirashiid iyo guud ahaan culimada Soomaaliyeed u rajeeyey caafimaad sugan, cimri barako leh, iyo in Alle ka dhigo kuwo ummadda Soomaaliyeed u anfaca aqoon, duco iyo iftiimin diimeedba.