Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay kulanka guddiga farsamo ee xasilinta dalka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u furay kulanka billaha ah ee guddiga farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta, kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay wasaarado iyo hay’ado kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo ku shaqada leh howlaha xasillinta iyo dib-u-heshiisiinta dalka. Ujeeddada shirka ayaa ahayd in la isweydaarsado xogaha iyo warbixinada la xiriira horumarinta howlaha socda, iyo sidii loo mideyn lahaa qorsheyaasha iyo farriimaha dowladda ee ku wajahan bulshada.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday xoojinta baahinta iyo mideynta farriimaha dowladda ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray howlaha hortabinnada leh iyo baahiyaha degdegga ah ee deegaannada dhawaan laga xoreeyay gacanta kooxaha argagixisada.

Xubnaha guddiga farsamo ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha xasilinta iyo taageerada bulshada ku nool deegaannadaasi. Waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galay hay’ado muhiim ah, ay kamid tahay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo soo jeedisay talooyin ku saabsan taageeridda dadka dhibaateysan iyo dib-u-dhiska adeegyada bulshada.

Ugu dambeyn, Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ku boorriyay xubnaha guddiga farsamo in ay dardar geliyaan howlaha xasilinta, joogteeyaan dadaallada socda, isla markaana ay mideeyaan farriimaha nabadda, dowladnimada iyo dib-u-heshiisiinta, si loo xaqiijiyo guulo waara oo shacabka Soomaaliyeed ka dheehan karaan natiijooyin muuqda.