Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Magacaabay Guddiga Farsamo ee Maamul-dhiska SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Guddiga Farsamo ee dhameystirka Maamul-dhiska Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Guddigan cusub ayaa loogu talagalay inuu hoggaan u noqdo hanaanka dhammeystirka maamulka rasmiga ah ee SSC-Khaatumo, iyadoo lagu saleeyay habraacyada dastuuriga ah ee dalka iyo siyaasadda guud ee dib u heshiisiinta qaranka.

Xubnaha Guddiga Farsamada ee la magacaabay waxay kala yihiin:

  1. Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi – Guddoomiyaha Guddiga

  2. Cabdinasir Xaaji Maxamed – Guddoomiye Ku-xigeen

  3. Axmed Shire Axmed (Garoon) – Xubin

  4. Carafaat Cali Maxamed – Xubin

  5. Axmed Yuusuf Maxamuud – Xubin

  6. Rufaci Maxamed Salaad – Xubin

  7. Maxamuud Siciid Nuur – Xubin

  8. Fadumo Cabdi Cali – Xubin

Wasiir Cali Xoosh ayaa tilmaamay in magacaabista guddigan ay qayb ka tahay dadaallada ay Xukuumaddu ku doonayso in lagu xaqiijiyo dhismaha dowlad-goboleed ku saleysan rabitaanka shacabka deegaanka, iyadoo la ilaalinayo midnimada, wadajirka, iyo xasiloonida guud ee dalka.

Guddigan cusub waxaa laga sugayaa inay si xirfad leh u maareeyaan wajiga dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo, ayna la shaqeeyaan dhamaan dhinacyada ay khuseyso si loo gaaro hannaan sharciyeysan oo mideysan.