Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire James Swan.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta dedaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo howlaha xasillinta, dib-u-heshiisiinta, doorashooyinka, iyo baahinta adeegyada dowladeed ee dalka.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimada ay leedahay iskaashiga joogtada ah iyo kawada-shaqeynta howlaha mudnaanta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya, iyagoo caddeeyey in ay sii wadi doonaan wada-xaajoodyada miro-dhalka leh ee ku saleysan horumarinta xasilloonida iyo dowlad wanaagga.
Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyey Danjire Swan taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay gaarsiinta yoolalka qaran ee ku saleysan horumar, nabad iyo is-afgarad siyaasadeed.














