Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta ku tagay booqasho rasmi ah xafiiska Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu. Kulankan muhiimka ah ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee IGAD, wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka iskaashi ee ay la leedahay hay’adaha iyo ururrada gobolka.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer loogaga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya iyo IGAD, iyadoo si gaar ah loo eegayay arrimo mudnaan u leh nolosha shacabka Soomaaliyeed. Qodobada ugu waa weyn ee lagu lafaguray waxaa kamid ahaa sidii loo horumarin lahaa sugnaanta cuntada dalka, loo kobcin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada la xiriira wax-soo-saarka beeraha, loona abuuri lahaa fursado shaqo iyo tababar u gaar ah dhallinyarada Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye ayaa uga mahadceliyay IGAD taageerada ay horay u siiyeen Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in laga miro dhaliyo qorsheyaasha horumarineed ee la xiriira wax-soo-saarka beeraha, la-dagaallanka saboolnimada, iyo kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaasoo ah laf-dhabarta mustaqbalka dalka.
Dhankiisa, Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa soo dhaweeyay booqashada wasiirka, wuxuuna muujiyay sida ay IGAD uga go’an tahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada beeraleyda, horumarinta degaannada miyiga, iyo ka jawaabidda baahiyaha cunno iyo biyo ee bulshada ay saameeyeen isbedelka cimilada iyo abaaraha soo noqnoqday.
IGAD waxay ballanqaadday inay sare u qaadi doonto taageerada ay siiso Wasaaradda Beeraha si loo xaqiijiyo horumar waara oo ku dhisan wax-ka-qabashada caqabadaha ku gadaaman sugnaanta cunno, waxbarashada xirfadaha beeraha, iyo dhiirrigelinta iskaashatada beeraleyda. Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo labada dhinac ka kooban si loo dardargeliyo hirgelinta mashaariicda lagu taageerayo beeraleyda Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid dhabbaha u xaaraya iskaashi miro dhal ah oo dhex mara Soomaaliya iyo IGAD, isagoo qeyb ka ah istaraatijiyadda dowladda federaalka ah ee ah in la xoojiyo xiriirka ay la leedahay ururada goboleedka si loo gaaro horumar muuqda oo dhinac walba ah, gaar ahaan wax-soo-saarka beeraha oo ah tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo sugnaanta nolosha shacabka.













