Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka KGS Mudane Maxamed Xuseen Xasan iyo Xubno katirsan golaha wasiirada konfur galbeed oo maalmihii lasoo dhaafey ku sugnaa degmada diinsoor ee gobolka baay waxa ay maanta kormeer ku tageen Xabsiga dhexe ee degmada diinsoor ee gobolka bay
Ujeedka ugu muhiimsan ee socdaalka wasiiradan ayku tageen xabsiga dhexe ee diinsoor ayaa waxa ay aheyd ukuur gelida Xaaladaha maxaabiista halkaasi ku xiran iyo baahiyaha adeeg ee uu qabo xabsiga
Wasiirka caddaalada ayaa mid mid u wareystey xaalada maxaabiista halkaasi ku xirnaa isagoo sidoo kale xabsiga kasii deeyey 3 kamid ah maxaabiistii halkaasi ku xirneyd oo u xirnaa arimo siyaasadeed
Wasiirka Waxa uu u balan qaadey maamulka cusub ee degmada diinsoor in ay kala shaqeyn doonaan hormarinta hanaanka caddaalada iyo Garsoorka ee degmadas.






















