Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa xalay magaalada Muqdisho casho sharaf ugu sameysay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha, ururrada siyaasadda ee diiwaangashan iyo xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Puntland.
Kulankaas oo ujeedkiisu ahaa isbarasho, wadatashi iyo xoojinta wada shaqeynta siyaasadeed, ayaa waxaa hadallo muhiim ah ka jeediyay mas’uuliyiin ka socday ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan iyo xisbiyada Puntland. Waxay si qoto dheer uga hadleen muhiimadda ay leedahay in si buuxda looga gudbo doorashooyinka dadban loona gudbo nidaamka doorasho toos ah, hufan, xor iyo xalaal ah.
Mas’uuliyiintaas ayaa si weyn u bogaadiyay shaqada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirkeeda Cali Yuusuf Cali Xoosh, gaar ahaan doorkooda muhiimka ah ee hirgelinta xeerarka doorashooyinka iyo samaynta guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka. Guddigaas ayaa hadda si rasmi ah u shaqeeya, waxaana sidoo kale lagu ammaanay howsha adag ee ay hayaan ee ku aaddan diyaarinta doorashooyinka dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaran, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa isna faahfaahin ka bixiyay geeddi-socodka diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, codbixiyeyaasha iyo heerka uu marayo diyaar garowga doorashooyinka.
Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay wada shaqeynta wanaagsan ee ururrada iyo xisbiyada Puntland, isagoo carabka ku adkeeyay in la sii xoojiyo wacyigelinta shacabka iyo iskaashi ku dhisan tartan siyaasadeed oo nabad ah. Wuxuu sheegay in doorasho toos ah ay tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo isbedel dhab ah, ayna muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan geeddi-socodkaas, si ay u helaan hoggaan ay iyagu doorteen.
Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay inaysan jirin waddo laga leexan karo oo ka duwan in la qabto doorasho dadweynuhu si toos ah uga qayb qaato, taasoo horseedi karta in dalka uu yeesho hogaamiyeyaal haldoor ah oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka.














