Wasiirka Gaadiidka konfur Galbeed oo ay wehlinayeen maamulka gobolka bakool, kan degmada xudur, iyo xildhibano katirsan konfur galbed ayaa dhagax dhigey wajiga koowaad ee dhismaha garoonla diyaaradaha ee degmada xudur,
Dhismaha garoonka xudur ayaa ka koobnaan doona labo qeyb sida uu sheegey wasiirka gaadiidka qeybahas oo kala ah dhismaha terminalka ama qeybta nasashada dadweynaha ka dhoofaya garoonka iyo qeybta labaad oo ah xeyndaab garoonka loo sameynayo oo ka ilaalinaya iney soo galaan Xoolaha iyo bulshada oo horey u isticmaali jirey,
Dhibaatooyinka garoonka xudur uu qabo ayaa sidoo kale kamid ah in ay soo galeen qaar kamid xaafadaha magaalada ayna ku yaalaan ceelal laga waraabiyo xoolaha taas oo dhibaato ukeeni karta sidaa darteedna xeyndaabka dhismaha uu qeyb ka yahay
Wasiir Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa sheegey in sanad gudihiis lagu soo gabagabeyn doono dhismaha wajiga koowaad ee garoonka diyaaradaha ee Xudur ayna isxilqaan ah isaga kaashan doonaan Maamulka Konfur galbeed, dowlada federaalka iyo bulshada reer konfur galbeed qaybaheeda kala duwan.

























