Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka socota doorashada Xubno ka harsanaa Aqalka Sare, waxaana goordhow la doortay kursigii ugu horeeyay Saddexda kursi ee Maanta la dooranayo
Kursiga ugu horeeya ee doorashada ka socota Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji, kaas oo helay Codad gaaraya ilaa 74 Cod halka Musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.
Sidoo kale waxaa goordhow la guda galayaa doorashada kursiga labaad ee doorashada Maanta oo ay ku tartamayaan Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdiqadir Cabdi Axmed.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta dhameystiraya 8 kursi oo ay ku leeyihiin Xildhibaannada Aqalka Sare.














