Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi uu horkacayay ayaa soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Wasiirka Gaashaandhigga uu yahay sidii uu ula kalmi lahaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyagoona ka wada hadli doona howlgalada Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa.
Wasiir Xasan Xuseen ayaa kormeer ku tegi doona xerooyinka ay ku sugan yihiin Ciidanka Qeybta 60-aad, isla markaana Saraakiisha Ciidanka iyo kuwa Koonfur Galbeed kala hadli doona sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka dhan aha Al-shabaab.
Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati gaduud kusoo dhaweeyay Taliyaha qeybta 60-aad ee CXDS Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow iyo Saraakiil kale.














