Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar kulan ballaaran kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas. Kulankan ayaa ka mid ahaa socdaal rasmi ah oo wasiirku ku tegay dalka Masar, waxaana uu qayb ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga.
Intii kulanku socday, labada dhinac waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga ee labada dal, gaar ahaan tababarrada ciidamada, isdhaafsiga waayo-aragnimada, iyo taageeridda howlaha nabad ilaalinta. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashigan uu ka ciyaari karo xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo ah meel istaraatiiji ah.
Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay dowladda Masar kaalinta muuqata iyo doorka firfircoon ee ay ku leedahay taageeridda nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka, isagoo xusay in Soomaaliya iyo Masar ay wadaagaan aragti mideysan oo ku saabsan arrimaha istiraatiijiga ah, gaar ahaan ilaalinta danaha gobolka iyo xoojinta amniga badda Cas.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar ayaa muujiyay diyaar garow buuxa oo ay dowladda Masar u leedahay in ay sii xoojiso xiriirka iskaashiga milateri ee ay la leedahay Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in dalkiisu diyaar u yahay taageero kasta oo lagu xoojinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale shaaciyay in ciidanka Masar ee qeyb ka noqon doona Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dhawaan gaari doonaan gudaha Soomaaliya, taas oo muujinaysa sida dowladdiisu uga go’an tahay inay si muuqata uga qaybqaadato dadaallada lagu sugayo nabadda iyo dib u dhiska hay’adaha amniga ee Soomaaliya.














