Wasiirka Howlaha Guud Dib-u-dhiska KG oo Daahfurey Tababar-SAWIRO

Wasiirka Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Maxamed Cali Xasan ayaa maanta daahfuray tababar lagu baranayo Qorsheynta iyo Maareynta dhulka Magaalooyinka oo loo qabtey qaar kamid ah Injineerada Wasaaradda, isku duwayaasha degmooyinka qaar iyo injineerada 4 degmo oo kala ah; Xudur, Ceelbarde, Diinsoor iyo Berdaale.

Waxaa furitaanka Tababarka goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda mudane Maxamed Cali Colow, xildhibaan Idirsi iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdullaahi Sheekh Xuseen.

Muhiimadda tababarkan ayaa ah in lagu tababaro ka qeyb galayaasha sida ay naqshad ugu sameyn lahaayeen magaalooyinka KGS.

Mudo Sagaal Maalmood ayuu tababarka socon doonaa, waxaana lagu qaadan doonaa casharo ku saabsan Qorsheynta iyo Maareynta dhulka magaalooyinka.