Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay (UN Development Cooperation Forum), ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Seville ee dalka Spain, Mr. Claver Gatete, oo ah Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaaradda Afrika (UNECA).
Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta istiraatiijiga ah ee u dhaxaysa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, iyadoo lagu saleynayo guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhinaca dib-u-habeynta maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta qorshaha horumarinta qaranka (NTP – National Transformation Plan).
Wasiirka Maaliyadda ayaa si qoto dheer uga warbixiyay tallaabooyinka dowladdu qaaday si loo hagaajiyo hannaanka maareynta dhaqaalaha, looguna diyaargaroobo maalgashi sugan oo loo adeegsado horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo mudnaanta la siinayo shaqo-abuurka, kobaca ganacsiga yaryar iyo la dagaallanka saboolnimada.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka wada-shaqeynta labada dhinac, si loo hirgeliyo barnaamijyo maalgelineed oo waxtar u leh horumarka Soomaaliya. Waxa kale oo kulanka lagu falanqeeyay sida Qaramada Midoobay ay door weyn uga qaadan karto taageeridda dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu gaarsiinayo dalka xasillooni dhaqaale iyo horumar waara.
Mudane Biixi Imaan Cige ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo kulamo heer wasiir ah oo lagu falanqeynayo istiraatiijiyadda horumarinta dhaqaalaha dalalka soo koraya, gaar ahaan Afrika, isagoo la kulmi doona madax sare iyo masuuliyiin caalami ah oo ka qaybgalaya shirka sanadkan. Kulamadaasi ayaa la filayaa inay si gaar ah u taaban doonaan fursadaha maalgashi, iskaashi dhaqaale iyo la-dagaallanka caqabadaha hortaagan horumarka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulamadaasi ka faa’iideysto si uu u dhiirrigeliyo maalgashadayaasha iyo hay’adaha caalamiga ah inay door muuqda ka qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay mareyso marxalad isbeddel oo ay diyaar u tahay in lagu taageero si dhab ah.














