Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shir Madaxeedka shanaad ee hal-abuurka ganacsiga Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Shirka ayaa si weyn looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha dalka, kobcinta fursadaha ganacsi, iyo dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa yaryar iyo haweenka.
Shirkan ayaa waxaa lagu darsayay aragtiyaha cusub ee lagu horumarin karo kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale xoogga la saarayay sidii loo kordhin lahaa dakhliga gudaha iyo u-fududeynta maalgashiga maxalliga ah. Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa fursadaha dhaqaale ee haweenka Soomaaliyeed iyo ganacsatada yaryar si ay qayb uga noqdaan kobaca guud ee dhaqaalaha dalka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgal ballaaran ka muujiyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federaalka, oo uu ka mid yahay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdiraxmaan Beene-Beene, Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Mudane Daahir Shire, iyo Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Hoosow. Sidoo kale, waxaa shirka kasoo qeybgalay xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta ka hadlay madasha ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay abuurista jawi ganacsi oo xasilloon, wax-soo-saar leh, kuna dhisan fikrado hal-abuur leh, si Soomaaliya ay u gaarto horumar dhaqaale oo waara. Waxaa la sheegay in Dowladda Federaalka ay ku howlan tahay dejinta siyaasado dhiirrigeliya maalgashiga iyo hirgelinta nidaamyo fududeynaya ganacsiga.
Shirkan ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka dowladda ee dhiirrigelinta ganacsiga, iyo sidoo kale mid kor u qaadaya fahamka ay ganacsatada Soomaaliyeed u leeyihiin fursadaha ay heli karaan marka la helo wada-shaqeyn iyo taageero rasmi ah oo dowladda ka timaadda. Wuxuu sidoo kale fure u yahay shirar kale oo heer qaran iyo mid caalami ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.














