Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa magaalada Riyaadh kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudiga, Mudane Sultan bin Abdulrahman Al-Marshad.

Intii kulanku socday, Wasiirka Maaliyadda iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa dowladda Soomaaliya ku soo bandhigay fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira gudaha dalka, kuwaas oo quseeya kaabayaasha dhaqaalaha, dekedaha, garoomada diyaaradaha, tamarta iyo adeegyada kale ee bulshada. Kulankani waxa uu qayb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku raadineyso xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee ay la leedahay waddamada caalamka, gaar ahaan dalalka ay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi dhaqaale wadaagaan.

Waxaa la isla gartay in kulamada socda loo beddelo heer farsamo, si si qoto dheer looga wada hadlo arrimaha hortebinta leh ee Soomaaliya, isla markaana ay horseedaan iskaashi dhaqaale oo joogto ah, maalgashi ballaaran iyo taageero lagu xoojiyo qorshayaasha horumarinta dalka.

Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Marwo Hodan Aadan Cusman, Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga oo uu horkacayay Siihayaha Safiirka Soomaaliya, Cabdicasiis Ibraahim Xasan.

Kulankani waxa uu muujinayaa heerka cusub ee xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, kaas oo lagu rajo weyn yahay inuu dhaliyo maalgashi muuqda iyo taageero dhaqaale oo wax ku ool ah, si loo horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee dalka.