Muqdisho
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS Khadija Al-makhzoumi ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan kula qaadatay wafdi ka socday AUSSOM oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya, Kareem Adebayo.
Wasiirada iyo madaxda Midowga Afrika ayaa kulankooda uga hadley xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Qoyska iyo AUSSOM, gaar ahaan arrimaha la xiriira Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.
Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya Kareem Adebayo ayaa si weyn u bogaadiyey horumarka laga gaaray dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka (NIHRC), waxaana uu sheegey in AUSSOM ay diyaar u tahay in ay si buuxda ay garab istaagto Wasaaradda Qoyska si loo xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Wasiir Khadija Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Mudane Kareem Adebayo iyo Midowga Afrika taageeradooda joogtada ah ayadoo carabka ku adkaysay muhiimadda iskaashi wax ku ool ah oo lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dalka.














