Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Madaxa Arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo Kooxda Ilaalinta (Protection Cluster) ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ms. Kirsten Young.
Kulankan muhiimka ah ayaa si qoto dheer loogu lafa guray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada la xiriira xuquuqul insaanka, ilaalinta bulshada (social protection) iyo kor u qaadista badqabka iyo shuruucda shaqaalaha ee goobaha shaqada dalka.
Wasiirka iyo wakiilka Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah uga wada hadlay dhibaatada shaqaaleysiinta carruurta (child labour), taasoo ah caqabad weli ka jirta Soomaaliya, iyagoo isla qiray in loo baahan yahay xeelado wax ku ool ah oo lagu cirib tiro shaqada carruurta, loogana hortago xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqdooda.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu dul istaagay muhimadda dhismaha nidaamyo lagu ilaalinayo carruurta iyo dadka nugul, iyadoo la tixgelinayo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo qiyamka diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay isku raaceen in la abuuro guddi farsamo oo si toos ah uga shaqeeya dardargelinta iskaashiga labada hay’adood, isla markaana hormuud u noqda hirgelinta qorshayaal cad-cad oo lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqda aadanaha, badbaadinta bulshada nugul, iyo la dagaallanka xadgudubyada ka dhaca goobaha shaqada.
Wasiir Yuusuf Maxamed ayaa bogaadiyay dadaalka ay Qaramada Midoobay ka wado Soomaaliya, isagoo muujiyay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay u heelan tahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, carruurta iyo dadka nugul.
Dhankeeda, Ms. Kirsten Young ayaa ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto garab istaagga dowladda Soomaaliya, si loo gaaro bulsho leh nabad, cadaalad iyo horumar waara.














