Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Talyaaniga
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa kulan miro-dhal ah ku yeeshay xarunta dhexe ee Wasaaradda laanta shaqada, isagoo la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccò Coppi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hay’adaha shaqada ee dalka, kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, iyo horumarinta fursadaha shaqo ee waara ee ka jira Soomaaliya. Labada masuul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii dowladda Talyaanigu u kordhin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada farsamada gacanta (TVET), shaqo-abuurka, iyo tababarrada xirfadeed ee loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii dib loogu soo noolayn lahaa xiriirka istaraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ee la xiriira horumarinta barnaamijyada TVET, si dhalinyarada loogu diyaariyo suuq shaqo casri ah oo waafaqsan baahiyaha gudaha iyo fursadaha caalamiga ah.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka iyo Safiirka ayaa sidoo kale isla meel dhigay muhiimada iskaashi wadajir ah oo ku saabsan hirgelinta Ajendaha Shaqo Wanaagsan (Decent Work Agenda), kaas oo ah qorshe caalami ah oo ay hormuud ka tahay Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), loogana golleeyahay:
-
Xoojinta xuquuqda shaqaalaha
-
Ka hortagga shaqo la’aanta
-
Kor u qaadista tayada shaqo
-
Abuurista fursado shaqo oo waara
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca shaqada iyo horumarinta bulshada, si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee labada dal, loona abuuro jawi shaqo oo caddaalad, fursad-siin, iyo horumar ku dhisan.














