Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta mashaariicda ku saabsan dhaqanka, warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyadoo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqanka, dhiirrigelinta nabadda, iyo abuurista fursado waxbarasho iyo horumarineed oo bulshada lagu wacyigelinayo.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo dhaqanka, kor u qaadista fanka iyo suugaanta, iyo barnaamijyada nabad dhisidda. Wuxuu xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay kobcinta aqoonta bulshada, ilaalinta hidaha iyo dhaqanka, iyo xoojinta midnimada qaranka.
Dhanka kale, Daljire Karin Johansson ayaa ku nuuxnuuxsatay sida Midowga Yurub ay uga go’an tahay inay sii kordhiyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, iyagoo ka shaqeynaya mashaariic ballaaran oo wax ka qabanaya dhinacyada dhaqanka, wacyigelinta, iyo horumarinta bulshada. Waxay sidoo kale sheegtay inay arkeen horumar muuqda oo ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyo badan, taas oo abuureysa rajo cusub iyo jawi wanaagsan oo lagu sii wadi karo horumarka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Midowga Yurub, kuwaas oo ka dooday qorshayaasha mustaqbalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa mashaariic waxtar leh oo bulshada Soomaaliyeed gaara.














