Dhageeyso,,Wasiirka warfaafinta kg oo cambaareeyey kufisi kadhacey meelo kamid ah Dalka .

Wasiirka Warfaafinta iyo waciygalinta dowlad goboleeedka koonfur galbeed ugaas xassan cabdi maxamed ayaa si kulul u cambaayeeyay kufsigii arxan darra ahaa oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.

Mudane, ugaas xassan ayaa sheegey in aad uga xun yihiin falkaasi kadhacay degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose isagoona sheegyey in murugta arintaan naxadinta leh lagqeyb sanayaan waalidiinta dhalay caruurta falkaan foosha xun lagula kacay. .

Wasiirka warfaafinta ayaa sidookale hey,adaha amniga kusugan degmada afgooye kula dardaarmey inay gacanta kusoo dhigaan cidii geysatey falkaan. Waxa uuna shacabka kacodsadey inay xogta lawadaagaan hey,adaha amniga kusugan degmada si gacanta loogu soo dhigo ragii ka danbeeyey falkaas.

Falkaan foosha xun ee kufsiga ah ayaa loogeystey sedex caruur oo da,doodu kala tahay seddex jir, afar sano jir, iyo 7 jir degmooyinka Afgooye iyo Balanballe.