Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa maanta si kulul uga hadlay shirka gogosha Wadatashiga Qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah u weeraray ka qeybgalka xubno uu sheegay inay ka soo jeedaan Puntland balse aysan matalin shacabka maamulkaasi.
Dirir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa si cad u sheegay in dadka deegaanada Puntland ka tagay ee ku sugan shirka Muqdisho aysan wax matalaad ah u ahayn Puntland, isagoo ku eedeeyay inay yihiin shaqsiyaad loo adeegsanayo in xasillooni-darro laga abuuro Puntland. Wuxuu ku tilmaamay “barakacayaal siyaasadeed” oo aan wax saamayn ah ku lahayn go’aamada masiiriga ah ee gobolka, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirku wuxuu sidoo kale si adag u dhaleeceeyay shirka ka socda Muqdisho, isagoo sheegay inuusan wax natiijo ah laga filan karin, islamarkaana uu yahay “Shimbirayahow heesa,” oo uu ula jeeday shir aan sal iyo raad lahayn oo aan wax xal ah keeni doonin.
Intaa kaddib, Wasiir Dirir wuxuu si toos ah weerar afka ah ugu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre. Wuxuu ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta siyaasadda dalka iyo inuu noqdo metele siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada kala aragtida duwan ee Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale shaki weyn ka muujiyay asalka iyo dhalashada Ra’iisul Wasaaraha, isagoo sheegay in Xamse uu yahay “marxuum siyaasi ah” oo aan awood u lahayn in uu door muuqda ku yeesho xafiiskiisa.
Wasiir Dirir wuxuu yiri: “Marxuum Xamse wuxuu yiri shacabka reer Puntland baa ciqaaban, balse isaga ayaa ciqaaban oo xoreyn u baahan. Wuxuu awoodi waayay in uu wax go’aan ah ku yeesho xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Dhalashadiisa ayaaba shaki igaga jira, wuxuuna ka mid yahay dadkii Xamar looga qaxay burburkii 1991.”
Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Muqdisho uu wali ka socdo shirka wadatashiga Qaranka, kaasoo ay ka qeyb galayaan siyaasiyiin, xubno ka socda bulshada rayidka ah iyo qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka Puntland. Hadalladan ka imaanaya Garoowe ayaa sii muujinaya farqiga ba’an ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Puntland, gaar ahaan aragtida laga qabo hannaanka wadaxaajoodka siyaasadeed ee dalka.














