Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud KG Oo Muqdisho kula kulmay Madaxa IOM

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud mudane Hon Ahmed Mashruuc Iyo Agaasimaha Guud Yussuf Wadani ayaa maanta magaalada Mugdisho kula Kulmey madaxa heyadda IOM Somalia Richard Danziger.

Wasiirka ayaa waxaa aad uga Mahadceliyey kaalmada IOM siiso Soomaliya Guud ahaan sigaar ah Dowladda Koonfur Galbeed.

Gunaanadkii shirka waxaa la isla afgartey in laxoojiyo wada-shaqeenta IOM Iyo Wasaaradda Howlaha Guud si dhowna loo dardar galiyo dhaamaan mashaariicda Dib-u-dhiska, sigaar ah in ladhiso xaruumaha Caafimaadka Iyo Waxbarashada ee Deeganada Koonfur galbeed.

Kulanka xiga ayaa waxaa loogu ballamey magaalada Baydhabo si loo soo kormeero mashaariicda horey u sameysey heyadda IOM iyo kuwa hada Larabo in labilaabo.