Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadley khilaafka xoogan ee u dhaxeeya dowladaha itoobiya iyo Masar,kuwaas oo saaxiibo dhow la ah Soomaaliya iskuna heysta wabiga Nile. Wasiir Cawad waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya labada dowladood,kaas oo horey Wadamada Jaamacadda Carabta ay si cad u taageereen Dowladda Masar. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku sugan Magalada Garoowe lana hadley mid kamid ah Warbaahinta ka howlgasha deegaananda Puntland ayaa waxaa wax laga weeydiiyey hadii uu yimaado culeys siyaasadeed oo labada dowladood uu midba midka kale uu ku doonayo inay Soomaaliya la safato Go’aanka ay qaadan doonaan ayaa waxaa uu ku jawaabey. “Runtii mowqifka Soomaaliya ee khilaafka dowladaha Itoobiya iyo Masar waa dhex dhexaadnimo,xaqiiqdii fursada kaliya ee inoo furan waxaa waaye inay isku soo dhaweyno ama aan ka aamusno balse marnaba Soomaaliya looma yeerin doono go’aankeeda ayuu yiri” Wasiir Cawad. Sidoo kale Wasiir Cawad ayaa wax laag weeydiiyey warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay oo sheegay in Soomaaliya ay Shirkii wadamada Jaamacadda Carabta ay saxiixeen in la taageero Masar,hayeeshee culeys uga yimid Itoobiya ay mowqifkoodii bedeleen,waxaana uu sheegay in warkaas aan waxba ka jirin,isla markaana Soomaaliya ay mar walba dhex dhexaad tahay. Si kastaba Soomaaliya ayaa horey waxaa ay go’aan dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay khilaaf soo kala dhex-galay Dowladaha,Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo Dowladda Qatar,waxaana taasi ay sababtey in Dowladda Imaaraadka ay joojiso taareeada ay siin jirtey Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Safaaraddu ay shaqada hakin doonto muddo toddobaad ah oo ka billaabanaysa maalinta Talaadada, si looga fogaado faafidda cudurka COVID 19 ee uu keeno Corona Fayrus.

Safiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ugu baaqay in ay raacaan tilmaamaha ay dowladda Kenya bixisay ee looga fogaanayo cudurka.

Dowladda Kenya ayaa xirtay dhammaan goobaha la isugu yimaado, iyadoo ku baaqday in shaqooyinka laga fasaxo dadka laga maarmo ama ay xaafadahooda ka soo shaqo tagaan.

Wadanka Kenya waxaa laga helay 17 qof oo qaba cudurka COVID 19.