Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson, xilli uu wasiirku safar shaqo ku joogo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulankan ayaa lagu lafaguray xoojinta iyo dardargelinta iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan horumarinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka, iyadoo si gaar ah diiradda
loo saaray barnaamijyada Nagaad iyo Shiib, oo ah kuwa uu Bangiga Adduunku si toos ah uga taageero Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa isla gartay in:
-
La xoojiyo fulinta mashaariicda socda, si waafaqsan qorshayaasha iyo jadwal sanadeedka ee horay loo dejiyey.
-
Lagu dardargeliyo habraacyada hirgelinta, si loo xaqiijiyo miradhalka mashaariicda muddada dhow iyo tan fogba.
Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey:
-
In la kordhiyo taageerada dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, biyo-mareennada, iyo mashaariicda horumarineed ee muhiimka u ah kobaca dhaqaale, horumarka bulshada, iyo isku xirka gobollada dalka.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo yididiilo weyn oo ku aaddan sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee u dhexeeya Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Bangiga Adduunka, taas oo la filayo in ay horseeddo horumar la taaban karo oo dalka laga dareemi doono.













